Jimco, May 9, 2025 (HOL) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa digniin culus usoo diray Madaxda Soomaalida kadib wixii ka dambeeyay markii Shirkii Madasha wadatashiga Qaran laga soo saaray war murtiyeed ay ka maqnaayeen Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
War kooban oo lagu qoray barta X ayaa waxaa uu Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika uu fariin digniin ah ugu diray madaxda Soomaalida, isagoo uga digay dadaallada is uruursiga awoodda iyo isbeddellada siyaasadeed ee aan loo marin hannaan wadatashi qaran.
“Dhammaan daneeyayaasha iyo saamileyda ay khuseeyo waa in ay ka qeyb galaan go’aamada la xiriira isbeddelka nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya, Go’aamo laga gaaro arrimahaas iyadoo aan la helin taageero ballaaran, waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad buuxda laheyn waxayna carqaladeyn doonaan la tacaalidda caqabadaha amni ee taagan,” ayuu yiri mas’uulkaan Maraykanka ah.
Digniintan ayaa imaneysa xilli dowladda Federaalka ay wado dadaallo lagu beddelayo qaab-dhismeedka dowladda federaalka iyo habka doorashooyinka, taasoo ay ka walaacsan yihiin qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.
Horey beesha Caalamka waxa ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay ka heshiiyaan arrimaha muranka uu ka jiro sida doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab.