5/14/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2025
Biriq ku dhacday bartamaha Caabudwaaq oo sababtay dhimasho iyo dhaawac
 

Jimco, May 9, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in bartamaha magaaladaasi Biriq ku dhacday ay sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo kale.

Biriqda sababtay dhimashada iyo dhaawaca ayaa timid kadib markii roob aad u xoogan uu ku da'ay gudaha magaaladaas iyo deegaanada ku xeeran, kaaso da'ayay saacado badan oo gaarayay ilaa 7 saacadood oo xiriir ahaa.

Qofka ku geeriyooday biriqda ayaa la sheegay iney aheyd haweeney ka tirsan dadka ku nool degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana labada ruux ee dhaawacu soo gaaray lagu daaweynaya xarumaha caafimaadka degmadaas.

Roobka ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka degmada Caabudwaaq iyo deegaanada ku dhadhaw, kadib markuu roobka si weyn u biyo dhigay wadooyinka soo gala magaalada iyo kuwa ka baxa.

Roobkaan lixaadka lahaa ee Shalay ka da'ay Caabudwaaq iyo naxaawigeeda ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolada dalka qaarkood ay si rasmi ah uga bilaawdeen roobab mahiigaan ah oo ah kuwa xiliga guga ee sanad walba xiligan oo kale da'a, waxaana roobabkaan ay curteen xili kuleyl aad u daran uu ka jiray mudooyinkii dambe inta badan gobolada dalka.