5/14/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 7 , 2025
War Murtiyeed lagasoo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday magaalada Muqdisho
 

Arbaco, May 7, 2025 (HOL) - Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa war-murtiyeed ka soo saaray shirkoodii uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo ku gaaray isfaham siyaasadeed iyo wadashaqeyn ku aaddan arrimaha amniga iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa isku raacay in la taageero  dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxa kale oo lagu adkeeyay baahida loo qabo in si buuxda loo garab istaago ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga waxay ku heshiiyeen in dowlad-goboleedyadu si dhow ula shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka, si loo dardargeliyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Tallaabadan waxay muhiim u tahay sida war-murtiyeedka lagu sheegay, qabsoomidda doorashooyin xor ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa laga codsaday inay soo diyaariso talo sharci ah oo ku saabsan sida ugu habboon ee loo maarayn karo xaaladda maamulka Jubbaland. Wuxuu Golaha Wadatashigu sheegay in loo baahan yahay in la helo hannaan sharci ah oo xal u noqda khilaafka Jubbaland.

Dhinaca kale, Golaha Wadatashiga wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed rasmi ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa lagu heshiiyay in la dhammeystiro shirweynaha SSC-Khaatumo si waafaqsan dastuurka dalka.

Inkastoo aan shirkan lagu gaarin go’aano masiiiri ah, haddana waxaa ka maqnaa Puntland iyo Jubbaland oo kamid ah maamulada ugu waawayn ee Soomaaliya, kuwaas oo shirka uga maqan khilaaf kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.