Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ugu furmay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaan oo uu guddoominaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si rasmi ah uga qeybgalay Raysal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa koowaad madaxda dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, SSC Khaatumo iyo maamulka gobolka Banaadir.
Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqan shirkaan goordhaw furmay, kuwaas oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in madaxdaani lagu casuumay shirka.
Qodobbada ugu muhiimsan ee la filayo in looga doodo shirkaan waxaa ka mid ah dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo qaban qaabada doorashooyinka golaha deegaanka ee loo qorsheeyay iney qabsoomaan dhamaadka bisha June ee soo socota.
Ugu dambeyntii shirkaan ayaa waxaa la filayaa in gabagabadiisa madaxdu kasoo saaraan war murtiyeed rasmi ah oo ay ku muujin doonaan wax yaabaha lagu heshiiyay iyo jiheynta dooorashada qof iyo codka ah ee khilaafka xoogan ka taagan yahay.