5/14/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 6 , 2025
Baarlamaanka Hirshabeelle oo xasaanadda ka qaaday 3 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaankaasi
 

Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo maanta yeeshay Kalfadhigiisa 17aad, kulankiisa 2aad, ayaa maanta waxaa la hor geeyay Mooshin xasaanad ka qaadis ah seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Hoolka maanta waxaa soo xaadiray mudanayaal gaarayay ilaa 75 Xildhibaan waxaana Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed waxaana ajende u ahaa arinta Mooshinka ee xasaanadda looga qaadayay Seddex Xildhibaan oo Guddiga anshaxa ay soo gudbiyeen iyo ka doodista amaanka guud ee Hirshabeelle.

Ku dhawaad 31 Mudane ayaa soojeedisay in Seddexda xildhibaan ee kala ah Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Xildhibaan Axmed Cali Abuukar laga qaado xasaanadda Xildhibaanimo waxaana horey loogu eedeeyay inay ku xadgudbeen dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Intaasi kadib waxaa cod la geliyay mooshinka maanta la horgeeyay mudanayaasha Hirshabeelle waxaana 71 Xildhibaan ay u codeeyeen in xasaanadda laga qaado Xildhibanadaasi seddexda ah halka 3 mudane ay diideen midna uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdi Xakiim Luqmaan ayaa ku dhawaaqay in seddexda xildhibaan ay si rasmi ah u lumiyeen xubinnimada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, sida ku cad Xeer-hoosaadka Golaha qodobka 26 faqrada(d) iyo Qodobka 65aad faqrada 2aad xarfihiisa (d) iyo (e) iyo qodobada dastuurka ee kala ah Qodobka 37aad faqradiisa 5aad, qodobka 41aad faqradiisa (C) oo lala akhriyay qodobka 13aad faqradiisa 1aad.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa xiray Kalfadhiga 17aad, kulankiisa 2aad asigoona faray odayasha dhaqan iyo bulshadii ay matalayeen Seddaxda Xildhibaan in ay soo buuxiyaan ayagoo raacayo habka Dastuuriga ah ee buuxinta Kuraasta ka Banaanto ee Golaha.

Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ayaa horey waxa ay isku qabteen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxaana ay horey qaarkood xilal ka haayay Golaha Wasiirada ay ku wayeen khilaafkii iyaga iyo Cali Guudlaawe soo kala dhexgalay, waxaana hadda ugu dambeeyay markii lagu soo eedeeyay inay ku xadgudbeen Dastuurka Hirshabeelle loona gudbiyay Guddiga Anshaxa.