5/14/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 6 , 2025
Dowladda Algeria oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka Kooxaha Argagixisada
 

Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Dowladda Algeria ayaa sheegtay inay dooneeyso inay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagexisada waxaana hadalkaan ka dhawaajiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Ibraahim Boughali oo soo dhoweeyn u sameeyay dhigiisa Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

War saxaafadeedkii laga soo saaray kulanka labada Guddoomiye ayaa lagu sheegay in Dowladda Algeria ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Soomaaliya la wadaagto khibradeeda hormuudnimo ee la dagaalanka Argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Algeria ayaa carabka ku adkeeyay in Xasiloonida dalalka Carabta oo dhan ay ku xiran tahay xasiloonida Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo is-weydaarsiga iyo horumarinta iskaashiga ka dhexeeya Algeria iyo Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan, isagoo ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uu bogaadinayo doorka muhiimka ah ee Aljeeriya ay ku dhex leedahay dalalka Carabta.

Ugu dambeyn waxa ay labadaan Guddoomiye kala saxiixdeen heshiis laisku weydaarsanayo Booqashooyin labada Baarlamaan, tababaro iyo in kor loo qaado iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria.