Axad, Juun 8, 2025 (HOL) - Mareykanka ayaa beeniyay warar sheegayay in uu joojiyay taageerada dhaqaale ee uu siiyo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo sheegay in halkii laga eedeyn lahaa uu kaliya codsanayo in dalalka kale ay si siman u qaataan kharashaadka.
Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay in Mareykanku weli ka go’an tahay taageerada dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, balse wuxuu ku baaqay in waddamada Yurub iyo Afrika ay si siman uga qeyb qaataan mas’uuliyadda dhaqaale ee hawlgalkan.
Bayaan uu Guddiga Arrimaha Dibadda soo dhigay baraha bulshada, ayaa guddoomiyaha guddiga Senator Jim Risch ku yiri:“Mareykanku kama uu harin taageerada AUSSOM, balse waxaan dooneynaa in Yurub iyo Afrika ay qeybtooda ka qaataan. Qorshayaal sida Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR 2719) waxay u oggolaanayaan dalalka kale in ay iska siibaan mas’uuliyadda oo culayska saaraan canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.”
Qaraarka UNSCR 2719 oo la meel mariyay Diseembar 2023 ayaa u oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda hawlgallada Midowga Afrika laga bixiyo kharashaadka guud ee Qaramada Midoobay.
Sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Mareykanka wuxuu tan iyo 2007 taageerayay dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, isagoo bixiyay in ka badan $1.5 bilyan oo gargaar bani’aadannimo ah iyo $240 milyan oo horumarineed.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku wuxuu dhawaan muujiyay walaac ah in uu qaaday culays dhaqaale oo aan caddaalad ahayn marka loo eego dalalka kale.
Bishii May 2025, Senator Risch oo ay weheliyaan Senators Ted Cruz iyo Rick Scott waxay horgeeyeen Congress-ka Mareykanka sharci la yiraahdo “AUSSOM Funding Restriction Act of 2025,” kaasoo lagu xaddidayo in Mareykanku bixiyo taageero dhaqaale oo dheeraad ah ilaa ay UN-ka iyo AU-du caddeeyaan mas’uuliyadda isticmaalka lacagaha maalgalinta howlgalka AUSSOM.
Sharcigan wuxuu kaloo dhigayaa in Xoghayaha Arrimaha Dibadda uu sannad walba sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo ku saabsan sida hawlgallada nabad ilaalinta ee AU-du ugu hoggaansamaan qaraarka UNSCR 2719, wuxuuna farayaa in warbixinnadaasi loo gudbiyo Congress-ka si joogto ah.