Hiiraan Online
6/12/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 5 , 2025
Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag looga shakisan yahay Al-shabaab oo laga soo qabtay Degmada Dayniile
Khamiis, Juun 5, 2025 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab kadib markii uu qarax ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Barwaaqo ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iyaga oo diyaarinayay walxaha qarxa, waxaana si lama filaan ah u qarxay waxyaabihii qaraxa ay ka sameenayeen oo ay Gurigaasi ku farsameenayeen.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqleen laba qarax oo is xig xigay, taasoo keentay in ciidamada ammaanka ay si deg deg ah u gaareen goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in guriga uu muddo dheer laga shakisanaa, balse aan la baarin ilaa uu qaraxa maanta uu ka dhacay, Maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin dhacdadan.
Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan uu isbedel ku yimid ammaanka guud ee Muqdisho, inkastoo ay weli jiraan hanjabaadaha ka imaanaya Kooxda Al-shabaab.