7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2025
50 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ahaa kooxda Al-shabaab oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ka wadeem deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Howlgalada ayaa ahaa kuwa si gaar ah ciidanka uga fuliyeen deegaanka loo yaqaano Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu dilay ilaa 50 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab. 

"Howlgalladaas ayaa lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo Khawaarij ah, oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan, waxaana la burburiyay gododkii ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka. 

Warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma sheegin magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalada ciidamada is kaashanaya ka fuliyeen deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyinka kale oo ka tirsan Jubbada Hoose. 

Howlgalkaan lagu dilay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo tobodaadkaan ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay kordhiyeen howlgalada ay ku beegsanayaan goobaha kooxdu ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.