7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2025
Ciidamada Puntland oo maanta buuraha Calmiskaad ka bilaabay howlgallo ka dhan ah Daacish
 

Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saaka qaaday howlgallo milatari oo qorsheysan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ku yaalla buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay sirdoonku sheegeen in ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan kooxda Daacish.

War kasoo baxay taliska hawlgalka "Hillaac" ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay wadaan howlgallo nadiifin ah oo lagu sifeynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha firxadka ah ee Daacish.

Ciidanka amniga ayaa la sheegay inay u kala jihaysteen deegaanno dhowr ah, isagoo ku sii siqaya meelo la tuhunsan yahay in ay ka joogaan xubnahaasi.

Ciidanka ayaa daba jooga xubno Daacish ka tirsan oo la xaqiijiyey inay ku sugan yihiin aagag fog sida Walisoor iyo Marmarka oo ah dhul buuraley ah.

Mas’uuliyiinta ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in gabi ahaanba lagu tirtiro unugyada kooxda Daacish ee weli ku sugan buuraha Calmiskaad.

Howlgalka ayaa kusoo beegmay xilli Puntland ay wajaheyso cabashooyin ka imaanaya qaar kamid ah ciidamadii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad. Ciidamadaas ayaa shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya daryeel xumo iyo dayacaad dhanka caafimaadka ah.

Warbixino la helay ayaa muujinaya in qaar kamid ah ciidamada ka qayb qaadanayay dagaalka ay gadood ka muujinayaan mushaar la’aan muddo saddex bilood ah, halka qaar kalena ay isaga soo laabteen aagagga dagaalka, inkastoo goor dambe lagu celiyay.

Dhanka kale, guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan shaaciyay in ay jiraan ciidamo aan mushaar helin muddo saddex bilood ah, iyagoo sheegay in Dowladdu ay qarashaad badan ku gashay daryeelka dhaawacyadii dibadda loo qaaday.