Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - kooxda Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ku toogtay ilaa shan nin oo dhallinyaro ahaa oo ay kooxdu ku eedeysay iney ahayeen jawaasiis la shaqeysay dowladda Fedaraalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Ragaan dhalinyarada ahaa ayaa fagaaraha lagu toogtay waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Ceelbuur, kuwaas oo ay kooxdu ku amartay iney u soo daawasho tagaan.
Maxkamada Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa fagaaraha ka sheegtay in ragaan ahaayeen jawaasiis la shaqeeya Sirdoonada dowladda Federaalka, Mareykanka iyo sidoo kale sirdoonada qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Shanta nin ee toogashada lagu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Maxamad (Abwaanka) oo da’diisu aheyd 36-jir, Cabdiwahaab Maxamad Axmad oo da’diisu tahay 25-jir, Gaabow Cali Faarax oo da’diisu tahay 28-jir, Mukhtaar Axmad Caliyow Garas, iyo Axmad Xassan Sheekh Xusseen Mad’aanoy (Toorrey) oo da’diisu tahay 42-jir.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo kooxdu Al-shabaab ay xukun toogasho ah sidaan oo kale ah ugu fuliso dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeyneyso iney ahayeen Jaajuusiin la shaqeeyo dowladda Fedaraalka, dowladda Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.