7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2025
Xisbiyadii Puntland ee ka qeyb galay shirkii Wadatashiga Muqdisho oo baaq u diray Puntland iyo Dowladda Federaalka
 

Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - Xisbiyada Puntland ee dhawaan ka qeyb galay shirkii wadatashiga Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, iyagoo ku baaqay in loolanka siyaasadeed ee dalka uusan wax saameyn ah ku yeelan midnimada iyo amniga Soomaaliya.

Xisbiyadu waxay Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay si shuruud la’aan ah u fasaxdo mashaariicda horumarineed ee ka xanniban Puntland. Sidoo kale, waxay dhiirrigeliyeen in Puntland iyo Dowladda Federaalka ay wada hadlaan, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan taagan.

Waxay sheegeen in intii ay joogeen Muqdisho ay dowladda kala hadleen in la sii daayo mashaariicda Puntland, iyagoo isla markaana ku boorriyay maamulka Puntland inuu qeyb ka noqdo wada xaajoodka siyaasadeed ee dalka ka socda.

Xisbiyadu waxay sidoo kale difaaceen ka qeybgalka shirkii Muqdisho, iyagoo sheegay in safarkooda uusan ahayn mid lid ku ah mowqifka Puntland, balse uu ka tarjumayo doorkooda siyaasadeed ee madax bannaan. Waxay xuseen inay Muqdisho u tageen si ay uga qeyb qaataan dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka jira.

Dhanka kale, xisbiyadu waxay soo dhoweeyeen qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah oo heer dowladaha hoose ah, iyagoo soo jeediyay in waayo aragnimo laga qaato Puntland iyo Somaliland oo horey ugu guuleystay hirgelinta doorashooyinkaan.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaanan ku faraxsanayn in xisbiyadeedu ka qeybgalaan shirarka Muqdisho. Haatan ka qeybgalka shirkaas ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Puntland.