7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2025
Al shabaab badan oo lagu dilay Duqeymo iyo Dagaal ka dhacay Jubadda Hoose
 

Axad, Juun 29, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaano hoos taga Jubadda Hoose.

Howlgalkaan ayay warbaahinta Jubaland ay tilmaamtay inuu si gaar ah uga dhacay Tuulada Maqooqaha, oo qiyaastii 13km dhanka Galbeedka kaga beegan Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose.

Saraakiisha Howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalka oo si xeel dheer loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al shabaab.

Waxaana howlgalkaan lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan kooxda Al shabaab, oo ay ku jireen horjoogeyaal sare. Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa sheegay in Xogta iyo magacyada horjoogeyaashaasi si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa.

Warbaahinta Jubaland ayaa xustay in howlgallada noocaani oo kale ah caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay Dowlad Goboleedka Jubbaland in laga ciribtiro Al shabaab deegaannada ay weli isku dayayaan inay ku dhuumaaleystaan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday Howlgallo is-daba joogga ah oo ay wadeen ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya Danab iyo saaxiibada caalamiga ah kaa oo lagu wiiqayo awoodda kooxd Al shabaab.