7/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 13, 2025
Rajadii Ku Dhamaatay Geerida: Qoys Rajo Wayn Lahaa oo Ku Nafwaayay Diyaaraddii Air India
 

Jimco, Juun 13, 2025 (HOL) - Nin lagu magacaabi jiray Dr. Pratik Joshi, xaaskiisa Dr. Komi Vyas, iyo saddexdoodii carruur ah ayaa ka mid ahaa dadka sida naxdin leh ugu dhintay diyaaraddii Air India ee shalay ku burburtay magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Saacado yar ka hor shilka, waxay baraha bulshada ku baahiyeen sawir farxad leh oo ay ku galeen gudaha diyaaradda, iyagoo wejiyadoodu ka muuqato raynrayn iyo rajo cusub oo ay la tagayeen magaalada London, kadib markii Dr. Joshi oo muddo ka shaqaynayay UK loo ogolaaday in uu qoyskiisa soo qaato.

Inkasta oo sawirkooda farxadda leh uu aad ugu baahay baraha bulshada, rajadoodii ma rumoobin, waxaana daqiiqado yar kadib markii ay diyaaraddu kacday, ay si xun ugu dhacday gudaha xaafad ku taalla Ahmedabad, iyada oo shantooduba ay halkaa ku nafwaayeen.

Shilkaas oo ay ku dhinteen 241 qof oo saarnaa diyaaradda ayaa raad xanuun badan kaga tegay deegaannada Banswara iyo Udaipur ee gobolka Rajasthan, halkaas oo dad badan oo rakaabka ka mid ah ay kasoo jeedeen. Qisada qoyskan Joshi waxay noqotay tii ugu murugada badnayd, sida ay xaqiijisay News18. Masiibada ku dhacday qoyskan ayaa loo bixiyay "Riyadii Geerida Ku Dhamaatay."

Dr. Joshi wuxuu ku noolaa UK muddo lix sano ah, halkaas oo uu mustaqbal uga dhisayay qoyskiisa. Xaaskiisa Dr. Komi Vyas, oo dhakhtar caan ka ahayd isbitaalka Pacific Hospital ee magaalada Udaipur, waxay iska casishay shaqadeeda laba maalmood kahor safarkooda si ay u raacdo ninkeeda oo ay ugula noolaato London.

Carruurtooda oo ahaa labo wiil oo mataano ah, oo la kala odhan jiray Nakul iyo Pradyut oo shan jir ahaa, iyo gabadhooda Miraya oo siddeed jir ahayd, dhammaantood waxay aad ugu faraxsanaayeen safarka iyo nolosha cusub ee la filayay.

Deriska iyo asxaabta qoyska waxay sheegeen in lamaanahan lagu yaqaanay dabeecad wanaagsan, aragti horumarsan, iyo jacayl ay u qabeen horumarka carruurtooda. “Dhammaan magaalada waxay ku jirtaa murugo,” ayuu yidhi saaxiib qoyska ah oo la hadlay News18, isaga oo intaas ku daray, “waa lamaane rajo lahaa, mar walbana la doonayay waxa ugu fiican carruurtooda.”

Sawirkii ugu dambeeyay ee qoyska, oo ay iskaga qaadeen gudaha diyaaraddii nasiib-darradu ku dhacday ee Boeing 787-8 Dreamliner, wuxuu muujinayaa waalidiinta oo wejiyadooda ka ay muuqato dhoolla-caddayn oo hor fadhiya carruurtooda oo ay wajiyadooda buuxisay farxad iyo raynrayn.

Sawirkaasi wuxuu noqday xusuus murugo leh oo muujinaya sida noloshu u tahay mid jilicsan, iyo sida riyooyinku si lama filaan ah ugu burburi karaan daqiiqad gudaheed.