7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 4 , 2025
Shirka Midowga Afrika oo Lagu Falanqeeyay Mustaqbalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo 4, 2025 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa shir-guddoomisay kal-fadhiga 1287-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), kaas oo si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulankan oo ahaa mid heer sare ah oo dhanka farsamada iyo siyaasadda ah, ayaa si muuqaal ah (online) loo qabtay, waxaana ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo dalal kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Shirka waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda, Lt Gen Abubakhar Jeje Odongo, oo muujiyay tixgelin qoto dheer oo uu u hayo askarta Uganda ee naftooda ku waayay shil diyaaradeed oo militari oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho 2-da Luulyo. Waxa uu ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huray nabadda iyo midnimada Afrika, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskooda. Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in Uganda ay ka go’an tahay taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wada-hadallada shirka ayaa diiradda saaray halista joogtada ah ee ay kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab, ku hayaan amniga Soomaaliya. Waxaa la muujiyay dadaalka geesinimada leh ee ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaas oo difaacaya shacabka nugul isla markaana la dagaallamaya Alshabaab.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qaybgalay ayaa si wadajir ah u bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwii dhawaan Uganda uga dhintay Soomaaliya, waxayna taageero u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga dalka oo si joogto ah ugu howlan sugidda amniga.

Golaha PSC ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha maaliyadeed ee hortaagan hawlgalka AUSSOM, waxaana la isku raacay in la kordhiyo miisaaniyadda Xarunta Kaydka Qalalaasaha ee Midowga Afrika oo la gaarsiiyo $20 milyan sanadkan 2025, si sare loogu qaado waxtarka howlgalka. Waxaa kale oo goluhu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga lala leeyahay saaxiibada caalamiga ah, islamarkaana la qabto shir gaar ah oo lagu abaabulayo kheyraadka, si wax looga qabto daldaloolada dhanka maalgelinta ah ee jirta.

Intii uu socday kulanka, waxaa xoogga la saaray baahida loo qabo in amniga lagu kaabo dadaallo siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale oo fog. Xubnaha golaha ayaa muujiyay in muhiim tahay in la dardargeliyo dib-u-habaynta maamul loo dhan yahay, in la xoojiyo wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isla markaana la horumariyo dadaallada dib-u-dhiska iyo kuwa horumarineed ee ay bulshada hormuudka ka tahay, si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Gabagabadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda ayaa markale ku celiyay in dalkiisa uu weli u taagan yahay inay la shaqeeyaan dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, si loo dhiso Soomaaliya nabad ah, xasilloon oo midaysan. Wuxuu si cad u sheegay in aysan dib u guran doonin, Uganda-na ay sii wadi doonto doorkeeda diblomaasiyadeed iyo midka nabad-ilaalin ee gobolka. Tani waxay noqonaysaa markii shanaad ee Uganda ay hoggaamiso Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, taasoo wadarta guud ee hoggaaminta PSC ka dhigaysa 13 sano, oo ay ku jiraan laba sano oo dhawaan dib loogu doortay.