7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 2 , 2025
Guddoomiye Muuse Salaad "Ma jirto cabsi Al-shabaab looga qabo iney la wareegaan deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan"
 

Arbaco, Luulyo 2, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in kooxda Al-shabaab looga cabsi qabo iney dib u qabsadaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. 

Guddoomiye Muuse Salaad ayaa sheegay ineysan jirin wax cabsi ah oo kooxda Al-shabaab looga qabo iney la wareegaan deegaan ka tirsan Hiiraan, islamarkaana ay diyaarsan yihiin ciidan awood u leh iney difaacaan deegaanada gobolka.

"Khawaarijta waxay bilawday warar been abuur iyo barabagando ah oo ay dadka reer Hiiraan iney walaac ku abuuraan ay doonayaan, ma jirto wax cabsi ah ama culeys ah oo Khawarijta looga qabo iney qabsadaan deegaanada Moora Eri iyo kuwa kale ee hoostaga Moqokori waa dacaayad Khawarijta faafineyso in deegaanadan qabsadaan iska daaye waxaan dhawaan xureyndoona degmada Aadan Yabaal" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye. 

Guddoomiye Muuse Salaad ayaa maanta degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isaga oo ay wehlinayaan ciidamo aad u tira badan oo ka raacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Al-shabaab dhaqdhaqaaqyo xoog leh ka waday deegaano badan oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.