7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 1 , 2025
Degmooyinka Doorasho qof iyo cod Lagu Doortay ee Puntland oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale iyo Khilaafaad Siyaasadeed
 

Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) - Dowladaha hoose ee laga hirgeliyay degmooyinka Puntland kadib doorashooyinkii dimuqraadiyadeed ee la qabtay sanadihii u dambeeyay ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo daran, taasoo si toos ah u saameysay adeegyada bulshada iyo hannaanka shaqo ee dowladahaasi.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, dowladahan hoose ma helaan wax miisaaniyad uga timaadda Puntland. Qaar ka mid ah waxay la tacaalayaan dakhli la’aan gudaha ah, maaddaama uusan ka jirin nidaam canshuur uruurineed.

Taageeradii xaddidnayd ee ay horey uga heli jireen Puntland ayaa hoos u dhacday, taasoo keentay in ay bateen caqabadaha maaliyadeed, isla markaana ay soo baxaan khilaafaad joogto ah oo u dhexeeya maayorrada iyo xildhibaanada deegaanka – gaar ahaan murano ka dhasha maaraynta dhaqaale yarida jirta.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Puntland ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu helay cabashooyin badan oo ka yimid degmooyinka cusub, kuwaasoo la xiriira eedo musuqmaasuq iyo khilaafaad.

Guddoomiyaha Hantidhowrka Cismaan Maxamuud Cali ayaa sheegay in warbixinada ay muujinayaan in Golayaasha deegaanka loo galay dano gaar ah oo dhaqaale, halkii ay xildhibaanadu ka metali lahaayeen danaha shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mustaqbal ee Puntland, Maxamed Siciid Siibad, oo ka hadlayay xaaladda dowladaha hoose kadib shir siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay in degmooyinkani ay "meel cidlo ah ku sugan yihiin", maaddaama aysan helin taageeradii laga sugayay Dowladda Federaalka iyo tan Puntland midna.

Maalmo ka hor guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdrisaaq Axmed Saciid ayaa sheegay in muran iyo buuq badan uu ka taagan yahay golayaasha deegaanka Puntland, isagoo sheegay in guddoomiyayaasha degmooyinku ay ka cago jiidayaan inay qabtaan kalfadhiyada dastuuriga ah isagoo sheegay in ay ka cararayaan buuqa xildhibaanada.