7/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 1 , 2025
Dab xoogan oo si degdeg ah u fidaya oo ka kacay buuraleyda gobolka Sanaag
 

Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) - Dab aad u xoogan ayaa ka kacay kaymaha buuraleyda gobolka Sanaag. Dabka oo si degdeg ah u fidaya ayaa sababay dhaawacyo badan oo soo gaadhay dadweynaha, isla markaana burburiyay beerihii iyo deegaanka dabiiciga ahaa.

Xukuumadda Somaliland ayaa dadaal ku bixinaysa sidii dabka loo bakhtiinin lahaa. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Maxamed Magaalo, oo isaga iyo wafti uu hoggaaminayo ay xalay u baxeen gobolka Sanaag, ayaa sheegay in dabkani yahay kii ugu cuslaa ee abid ka dhaca buuraleyda gobolka Sanaag.

“Waa masiibo qaran, waa dabkii ugu cuslaa ee dhacay. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu inaga bakhtiiyo. Dad badan ayaa gurmaday, waxaan ugu baaqeynaa inay is ilaaliyaan,” ayuu yidhi Magaalo.

Wuxuu intaas ku daray in qalab caafimaad oo dhamaystiran la gaadhsiiyay goobta, isla markaana ay ka hawlgalayaan kooxaha caafimaadka iyo ciidamada. “Waxba kuma dhiman, laakiin dhaawacyo badan ayaa jira," ayuu yidhi. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dabku uu kusoo beegmay xilli xagaa ah, oo dadku buuraha usoo baxeen, iyagoo kasoo hayaamay dhulka xeebaha – arrintaas oo kordhin karta khasaaraha.

Dhanka kale, ciidamada dab-damiska ayaa iskaga yimid jiho kasta, iyadoo gaadiidka iyo hawlwadeenada dabka la dagaalama ay kusii qulqulayaan buuraleyda gobolka Sanaag. Hase yeeshee, baaxadda dabka iyo goobta buuraha ah oo aan lahayn waddooyin la maro ayaa adkaynaysa in si degdeg ah guul loo gaadho.

“Berbera ayaa laga soo gurmaday, Burco ayaa laga soo gurmaday, Hargeysa ayaa laga soo gurmaday. Gurmad ballaadhan ayaanu samaynaynaa, inkastoo meesha aanay gaadiidku mari karin, haddana intii taagteenna ah waanu soo gurmanay,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Dab-damiska, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), xilli uu isaga iyo ciidankiisu ka baxayeen magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdabar), oo ku sugan goobta dabku ka holcayo, ayaa shacabka magaalada Ceerigaabo ugu baaqay inay gurmad kusoo gaadhaan.

“Dabka qarxay maaha dab annaga iyo cid nala mid ahi ay xakamayn karta. Waa dab aad u xoogan. Ummadda Ceerigaabo waxaan ka codsanaynaa inay majarafado, madaraqyo iyo gudmo noogu soo gurmadaan. Beerihii way dhammaadeen, beero ma hadhin. Waxaannu doonaynaa inaan ka hor tagno in dadkuna wax noqdaan,” ayuu yidhi Axmed Isdabar.

Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka amba baxay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu la hadlay masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, isla markaana ay diyaarado dab-damis ah soo diri doonaan, maadaama dabku uu baaxad weyn leeyahay.

Inkasta oo dab si joogto ah uga kaco buuraleyda gobolka Sanaag, haddana dabkan ayaa ah kii ugu baaxadda weynaa ee ka qarxa buurahaasi. Dabka ayaa baabi’iyay dalagyadii beeraha, sidoo kalena wuxuu halis u yahay inuu sababo nabaad-guur weyn oo ku yimaadda buuraleydan oo ka mid ah meelaha ugu cagaaran Somaliland.