1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2025
Puntland oo sheegtay inay hayaan ajaanib katirsan kooxda Daacish oo isisoo dhiibay
 

Arbaco, January 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa shaaca ka qaaday in ajaanib katirsanaa kooxda Daacish ay isku soo dhiibeen gacanta maamulka Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay in socdaan qorshayaal dalalkooda loogu celinayo ajaanibta isa soo dhiibtay, iyadoo arrintaas ay kala shaqeynayaan hay’adaha socdaalka sida IOM iyo Bisha Cas.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa tilmaamay in qorshahaan lagu soo celinayo ajaanibta uu yahay mid hadda socda, balse faahfaahin kama bixin tirada dadka isa soo dhiibtay, dalalka ay ka soo jeedaan, iyo xilliga rasmiga ah ee dib loogu celinayo.

“Ajnaab way jireen isa soo dhiibtay oo uu socdo hannaankii dalalkooda loogu dhoofin lahaa oo IOM-ta iyo Bisha Cas ay nagala shaqeynayaan,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in dadka aan u dhalan Soomaaliya iyo kuwa mawaadiniinta ah ee isa soo dhiiba kana tirsan kooxaha ay Puntland la dagaallamayso ay sharciga u siman yihiin marka laga eego dambiyada ay galeen.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu beeniyay warar sheegayay in aan cafis loo fidin doonin dagaallameyaasha ajaanibta ah. Wuxuu adkeeyay in cafiskii uu horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu weli furan yahay, gaar ahaan kuwa goobaha dagaalka iska soo dhiiba iyo kuwa isa soo dhiiba xilli nabadeed.

Dhawaan sarkaal katirsan ciidanka amniga Puntland ayaa sheegay in aanan la cafin doonin ajaanibta lagu qabto dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.