1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2025
Ciidamada amaanka Degmada Waajid oo kacabanaya mushaar la'aan
 

Talaado, January 7, 2025 (HOL) - Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmadaas ayaa si wadajir ah waxa ay u sheegeen in muddo hal sano ah aysan wax xaquuq ah helin Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida degmadaas, hayeeshee si mutadawacnimo ah ay u ilaalinayeen amniga degamdaas.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waajid Xidigle Iftiin Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee degmada loo aas aasay muddo hadda laga joogo sanad iyo bar aysan ka helin Maamulka Koonfur Galbeed wax mushaaraad iyo xaquuqaad ah.

Wuxuu sheegay in Ciidamadaan ay yihiin kuwo doorweyn ka qaatay sugida amniga degmada Waajiid iyo ka hortagga weerarada ay geystaan Kooxda Al-Shabaab.

“Ciidankaan waxay iskugu jiraan Rag iyo Haween oo laga rabo kirada guryaha, ma helin wax xuquuqaad ah iyo mushaaraad ah, ma helin xitaa wax nambar ah oo lamid ah kuwa ciidanka Qaranka” ayuu yiri Taliyaha Booliska ee Degmada Waajid.

Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf ayaa dhankiisa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed in xaquuq loo helo Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugida ee ku sugan degmada Waajid si ay uga qeyb qaataan sugida amniga degmada iyo degaannada hoostaga.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed oo kaga jawaabayo eedeynta uga timid taliska booliska ee degmada Waajid ee ku aadan inaysan muddo wax mushaaraad ah qaadanin.