Hiiraan Online
1/27/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2025
Taliyaha Ciidanka Booliiska oo dalacsiiyay Askarigii dhawaan lagu dhex jirdilay Golaha Shacabka
Jimco, January 24, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa darajada Laba Xidigle u dalacsiiyay askarigii lagu dhex jirdilay bishii Novembar ee sanadkii lasoo dhaafay gudaha xarunta Golaha Shacabka.
Askarigaan la dalacsiiyay oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan ayaa 27-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2024 ayaa waxaa u gacan qaaday mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibaanka jirdilka u geystay askarigaan la dalacsiiyay ayaa lagu magacaaba Xasan Firimbi, kaasoo ka mid ahaa tiro Xildhibaano ah oo diidanaa ajandihii maalintaas Goluhu ka doodayay oo ahaa mid xasaasi ahaa.
"Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa u xiray darajada Laba Xidigle Xusseen Maxamed Xassan oo ahaa Askarigii gudanayey waajibaadkiisa shaqo ee dhaawaca uu soo gaarsiiyey mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka. 27-kii November ee sanadkii tagey ayaa dhacdada Xildhibaanku ku dhibaateeyey Askariga dhacday waxaana uu dalacsiintan ku mutaystay Isbatooruhu siduu isu xakameeyey waajibaadkii askarnimo ee saarnaana u gutay isagoo weliba dhaawac ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii talaabada askarigaan uu ugu gacan qaaday mudanaha ka tirsana Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horay si weyn uga carooday shacabka Soomaaliyeed, hayeeshee waxaa xusid mudan in Xildhibaanka sameeyay gacan qaadka dhaawaca uu kasoo gaaray Xuseen Maxamed Xasan inuu markii dambe raali galin ka bixiyay falkaas.