1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2025
Dowladda Fedaraalka oo ka hadashay howlgalada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraleyda gobolka Bari
 

Talaado, January 14, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay hawlgalo  muddooyinkii dambe ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ka wadeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaasoo ay kula dagaalamayaan kooxda Daacish.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay dhiiragalinta iyo garab istaaga in shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ay ugu istaagaan in dalka laga xureeyo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira howlgalka Puntland looga ciribtiraayo Daacish.

"Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta. Khawaarijta Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkaan kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddoyinkii u dambeeyay ciidamada Daraawiishata Puntland dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ka wadeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-