Hiiraan Online
1/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 12, 2025
Goorma ayaa lasoo gabagabeenayaa sahminta Shidaalka Soomaaliya?
Axad, January 12, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamuud Aadan ayaa faah faahin guud ka bixiyay xilliga rasmiga ah ee la soo gaba gabeeynayo howlaha Shidaal sahminta Soomaaliya oo Maraakiibta Turkiga leeyahay ay ka wadaan Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in qorshuhu yahay markii la gaaro Bisha April ee sanadkaan in la soo gaba gabeeyo lana dedejiyo inta aysan Badda kicin, si loo ogaada goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadaalo badan ay soconayaan loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay.
"Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gabagabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada Bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo Shidaalka" ayuu yiri Gudoomiyaha oo wareysi siinayay Tvga Qaranka Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku haaya in dalkeenna Soomaaliya laga Qodo Shidaal farabadan, taas oo meesha ka saari karta dhaqaalo yarida kajirta dalka iyo Shaqa la’aanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed.