1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2025
Guddoomiye Xirsi: Barnaamijkayaga Ayay Ku Qorantahay In Aanu Wadahadalno Soomaaliya
 

Jimco, January 10, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iska difaacay eedo loo soo jeediyay oo sheegayay in uu Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud.

Xirsi ayaa sheegay in safar uu dhawaan ku tagay dalka Jabuuti aanu kula kulmin Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana hadii ay wada hadlayaan ay barnaamijka xisbigooda ku jirto oo ay toos u wadahadlayaan.

"Waxa aan arkayay qolo lahayd Xirsi ayaa Xasan Sheekh la shiray horta ismanaan arag Xasan Sheekh, iimana qorshaysnayn, imana baahnayn in aanu is aragno, hadii aanu u baahano barnaamijkayaga ayay ku qornayd in aanu wadahadal la galayno ee u dhuumanmayno" ayuu yidhi Xirsi.

Mudaharaado lagaga soo horjeedo safarka Xirsi ee Jabuuti ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa, mudaharaadyaasha ayaa ku andacooday in guddoomiyuhu uu si qarsoodi ah ula kulmay Madaxweyne Xasan oo ay ku wada suganaayeen caasimada dalkaas.

Dhinaca kale, waxa ay kasoo horjeedsadeen in uu safar ku tago dalka Jabuuti oo xurgufi sannadkii u danbeeyay ka dhaxaysay Somaliland, dadwaynaha ayaa sheegay in Xirsi uu galay booskii wasiirka arrimaha dibadda taasina ay tahay qalad.

Xirsi oo kamid ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa kamid ahaa dadkii horseedka ka ahaa in uu wadahadal dhexmaro Somaliland iyo dowlada Soomaaliya markii ugu horaysay.

Lakiin kadib guuldarada kulamo badan oo muddo 10 sanno ka badan dhex maray labada dhinac, waxa jira dad badan oo wakhti lumis u arka in wadahadalada lasii wado.