
Axad, December 14, 2025 (HOL) - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo heystay inay geysteen falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac oo ka dhacay Muqdisho.
Maxkamadda ayaa Dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) ku xukuntay dil toogasho ah (qisaas), kaddib markii lagu helay dilka marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim, oo ahaa guddoomiyaha waaxda dalxiiska degmada Dayniile.
Dilkaas oo ka dhacay Dayniile 7-dii bishii Juun ee sanadkan, ayaa Cabdiraxmaan Nuur Axmed lagu xukumay inuu bixiyo mobile iPhone Mini ah iyo bistoolad Biljim ah oo uu ka dhacay marxuumka.
Sidoo kale, maxkamadda ciidamada ayaa ku xukuntay Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) toban sano oo xabsi ciidan ah. Halka Dable Xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake), Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) iyo Dable Xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) lagu xukumay min shan sano oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale, Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) ayaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in dhammaan eedeysanayaasha ay wada bixiyaan moobeelladii iyo hantidii ay ka dhaceen dhibaneyaasha. Intaa waxaa dheer, Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) iyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) ayaa si gaar ah loogu xukumay inay bixiyaan magta iyo kharashaadka ku baxay dhibaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.
Dable Xoogga Cabdishakuur Eelaay iyo Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga), oo labaduba maqane ah, ayaa maxkamaddu ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah. Halka Dable Xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) lagu xukumay hal sano oo xabsi ciidan ah.
Dhanka kale, Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ayay maxkamaddu siisay xorriyaddiisa kadib markii wax dambi ah lagu waayay.
Xukunnadan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.