
Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa shaaciyay qorshe cusub oo lagu adkeynayo la dagaallanka tahriibka, iyagoo ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono waalidiinta oggolaada ama ka qaybqaata tahriibinta carruurtooda.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si adag u cambaareeyay kooxaha tahriibiya dhalinyarada, isagoo sheegay in dillaaceen kooxo maafiyo ah oo dhalinyarada ka kaxaynaya dhulkooda, si ay gacanta ugu galiyaan kooxo madax furasho u qabsada.
“Markii aan niri dhalinyaradu garoomada kama dhoofi karaan, marna aabbe ayaa soo hadlaya marna hooyo, waxayna leeyihiin ‘Ilmahayga anigaa tahriibsanayee maxaad ka rabtaan?’ Aabbahaas iyo hooyadaas waa in la xiraa, waayo waa kheyru masuuliyiin” ayuu yiri Lugatoor.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan oo ka dhan ah dadka dhalinyarada ku khiyaaneeya, kana dhaadhiciya inay u socdaan shaqo, waxbarasho ama caafimaad, halka dhab ahaantii loo geliyo safarro tahriib oo khatar badan.
“Dhalinyaradii la qabtay booliiska ayaa lagu wareejiyay, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah,” ayuu yiri Lugatoor. Wuxuu sheegay in qoysas badan ay soo gudbiyeen cabashooyin ku saabsan carruur lagu kaxeeyay khiyaano, ayna dowladda u qorsheysan tahay in arrintaas laga qaado sharci adag.
Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu ugu baaqay odayaasha, waalidiinta iyo bulshada inay door weyn ka qaataan ka hortagga tahriibka.
Dhanka kale, Puntland ayaa maalmo ka hor qoysaskooda ku wareejisay dhalinyaro dhowr iyo toban ah, kuwaas dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kuwaas oo isku dayay inay tahriibaan.
Dhalinyaradan oo intooda badan ka yimid Muqdisho ayaa labo toddobaad ku xirnaa saldhigga dhexe Garowe, waxaana loo gudbiyay maxkamadda degmada Garowe ka hor inta aan la wareejin waalidiintooda.