4/26/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2025
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalo ka socda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan
 

Khamiis, April 10, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ka fuliyeen saacadahi lasoo dhaafay deegaanka Ceelka Nuur gadoow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Ceelka Nuur gadoow lagu dilay ilaa 5 xubnood oo ka tirsana kooxda, islamarkaana lagu gubay gaadiid ay wateen.

"Howlgalkan waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo deegaanka u yimid in ceelka biyo ka dhaansadaan, ciidanka oo xogtooda sii haayay ayaana beegsaday cadawgaan haraadka u dhamaanaya" ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.

Afhayeenka oo sidoo kale ka hadlay howlgalo culus oo ka socda deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan ayaa xusay in howlgaladaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

"Ciidamadu waxay Hiiraan, gaar ahaan Aboorey nawaaxigeeda ka wadaan howlgalo lagu baacsanayo cadawga Khawarijta ah, khasare badan ayaa cadawga lagu gaarsii howlgalada balse wali waxaa socda tira koobkooda dib ayaana ka soo sheegi doona" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Abuukar Maxamed.

Si kastaba ha ahaate ciidamada dowladda iyo kuwa difaaca deegaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn u kordhiyay howlgalada ka socda deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka dhanka ah Al-shabaab.