11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2024
Xildhibaan Maxamed Abiib oo Hargaysa lagu xidhay

Isniin, September, 2, 2024 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa lagu xidhay madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Maxamed Abiib ayaa markii la qabtay kasoo noqday safar uu maalmahan ku joogay dalka Imaaraatka Carabta, inkasta oo aan la ogayn waxa lagu xidhay, xildhibaanka ayaa Imaaraatka ku bixiyay waraysi uu ku durayo xukuumada iyo SNM.

Hore, Garyaqaanka Guud ee Xukuumada Somaliland, ayaa dacwad maamus ka xayuubin ah u gudbiyay golaha wakiilada, dacwadaas oo ilaa hada socon wayday kadib culays ka yimid dhinaca xildhibaanada.

Kahor inta aan dacwada lagu soo oogin, xildhibaanka ayuu ismaan dhaaf kala dhexeeyay guddoomiyaha golaha wakiilada, sidookale, waxa lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha ku xadgudub sharci.

Xildhibaanka ayaa iska fogeeyay dhamaan eedaha loo haysto, isaga oo ka dagay magaalada Boorama isla markaana, taageero waydiistay shacabkii soo doortay.