
Khamiis, September, 19, 2024 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Maxamuud Cabdulle Geesood oo loo yaqaanay “AJ” oo loo heystay dilka Marxuum Xasan C/llaahi Axmed oo loo yaqaanay “Qeylo”.
newsinsideDhacdadan ayaa 19-kii February 2024 ka dhacday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib muran gacan ka hadal ah oo ka dhashay qeybinta kaararka barakacayaasha ee loogu talagalay in lagu caawiyo dadka danyarta ah.
Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar. Muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaasna uu ku geeriyoodo.
Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.