Isniin, October, 28, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay duuleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Nabad Sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaday fariisin ciidanka ay ku leeyihiin duleedka degmadaas, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil la hadashay Warbaahinta Qaranka waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid waqti kooban socday laguna jabiyay Al-shabaab, islamarkaana jab culus lagu gaarsiiyay.
Meydadka xubno ka tirsan Al-shabaabkii weerarka ku qaaday duuleedka Buurhakaba ayaa lagu soo bandhigay duuleedka degmadaas, hayeeshe lama shaacin tirada rasmiga ah ee kooxda looga dilay dagaalka.
Dagaalkaan maanta ka dhacay duuleedka Buurhakaba ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Baay ay wali ka socdaan howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.