11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2024
Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose
 

Sabti, October, 26, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen  Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose ku dilay horjooge ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanada kala ah, Dharkeen Urur iyo Orgiyoow oo ka tirsan gobalka Jubada Hoose, halkaas oo ay ciidamadu ku dileen horjoogaha ka tirsan Al-shabaab.

Horjoogaha howlgalka lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarashada kooxdu ahaa Qeyliyow, kaasoo la sheegay inu u qaabilsaana Al-shabaab sahanka, sirdoonka, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sahminta xerooyinka ay kooxdu weerareyso.

"Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee kooxda Argagixisada ugu yeeraan uu yahay (Qayliyoow) dadka degaankana ay u yaqaanay (Goobe) ayaa lagu dilaay howgal qorsheysan, Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa Argagixisada ayaa waxa uu u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sahminta xerooyinka la weerarayo, sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi bannaystay daadinta dhiigga shacabka aan waxba galabsanin" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjoogahaan ka tirsanaa Al-shabaab ayaa qeyb ka ah howlgalo culus oo ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.