10/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2024
Daacish oo bishii magaalada Boosaaso kasoo xaraysa dakhli ka badan boqol kun oo dollar oo baad ah
 

Jimco, October, 25, 2024 (HOL) - Kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay in ay dakhli ka badan boqol kun oo dollar bishii ka soo xarayso baadda ay ka qaaddo shirkadaha isgaarsiinta, iyo ganacsiyada kale ee maxaliga ah ee ku sugan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Daacish ayaa la sheegay inay ka faa’idaysatay xasillooni darrada magaalada Boosaaso, iyadoo loo sababaynayo xiisadda ka dhex taagan ciidamada PSF iyo PMPF. Abdiweli Mohammad Yusuf oo ah madaxa maaliyadda ee ISS ayaa door muhiim ah ka qaatay dhaqaale u uruurinta ururka oo hadda noqday xarun lagu bixiyo lacagaha lagu taageero howlaha IS ee dibadda.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Nuskii hore ee sannadkii 2022, ay ISIS heshay ku dhawaad $2 milyan iyada oo ka ururisay ganacsiyada maxaliga ah sida soo wax soo dejinta, dhoofka xoolaha, iyo beeraha.

Ururka Daacish ayaa sidoo kale ku lug leh ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha ee waddamada Khaliijka, sidoo kalena waxay ISIS canshuur baad ah ka qaaddaa dadka wax tahriibiya.

Maalgelinta argagixisada ISIS ayaa la sheegay inay khatar weyn ku tahay amniga gudaha iyo xasilloonida dalal badan oo Afrikaan ah. Sida warbixinta lagu xusay, lacagaha kooxdu hesho waxaa loo isticmaalaa in lagu kafaalo qaado dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee argagixisanimada, taas oo sii xumaynaysa colaadaha gobolka ka jira.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Daacish, hase ahaatee weli waxba kama suurto galin.