12/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar ku socda gabdhaha gadaal ka raaca Mooto Feykonta
 

Arbaco, November, 27, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Shalay meel fagaare ah uga dhawaaqay in mamnuuc ka tahay gabdhaha ku nool magaalada Muqdisho iney gadaal ka raacaan mootooyinka laba lugaaleyda ee loo yaqaano Feykon-ta

Duqa magaalada Muqdisho ayaa amarkaan  shaaciyay isagoo boqolaal dadweyne ah Shalay kala qeyb galay isku soo bax balaaran oo lagu taageeray xeerarkii doorashooyinka dalka oo dhawaan ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

“Waxaan hortiina ku mamnuuceynaa maanta kadib gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceysa in gabadhana ay xarig tahay, mootadana lala wareegi doono” ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Guddoomiye madaale ayaa sidoo kale sheegay in talaabo adag oo sharciga waafaqsan in laga qaadi doono dhalinyarada wadooyinka Muqdisho ku sameeya waxyaabaha anshax darada ah.

“Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidadka magaalada ku dhex sameynaya fasaadka iyo heesaha keenaya, kuwaasna waa mamnuuc oo ma aqbali doono faafinta fasahaad iyo waxii la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu maamulka gobolka Banaadir soo saaro amaro lagu mamnuucayo waxyaabo la xariira anshax darada, waxaana maamulka gobolku uu horay gudaha magaalada Muqdisho uga mamnuucay isticmaalka waxbaayaha maanka dooriya, gaar ahaan Xashiishka, shiishada iyo Taanbuuga.