12/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2024
28 qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday labo doonyood oo kula degay xeebaha jasiiradda Madagascar
 

Axad, November, 24, 2024 (HOL) - 28 qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa nolashooda ku waayay markii ay dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha waqooyi-galbeed ee jasiiradda Madagaskar.

Wakaaladda dekedaha, badda iyo webiga ee Madagascar ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku xaqiijisay geerida dadkan.

Musiibadan ayaa dhacday kadib markii labo doonyood oo siday isku darka 66 rakaab ah ay ka ambabaxeen Soomaaliya 2-dii Nofembar, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay gaaraan jasiiradda Mayotte ee uu Faransiisku maamulo.

Labada doonyood ayaa lagu soo waramayaa in ay soo wajahday cilad dhanka matoorka ah, taasi oo keentay in ay badda ku go’doomaan. Kalluumeysatada Malagasy ayaa helay mid ka mid ah doonyaha, waxayna keeneen halka loo yaqaano Nosy Be.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika Cabdullaahi Warfaa ayaa xaqiijiyay in ay socdaan howlgallada baaritaannada, wuxuuna caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Madagascar si loo helo loona caawiyo dadka kale ee suurtagalka ah in ay badbaadaan.

48 qof  ka badbaaday musiibaddan ayaa hadda ku jira xarumaha caafimaadka Madagaskar., sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Dhanka kale, maamulka dekedda Malagasy ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Nosy Be inay soo sheegaan haddii ay arkaan burburka doonyaha, si ay gacan uga geystaan gurmadka.