9/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2024
James Swan oo ugu baaqay Puntland iyo dowladda Federaalka inay soo celiyaan wada shaqayntoodii
 

Axad, Luulyo, 14, 2024 (HOL) - Ku simaha wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu baaqay Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si ay dib ugu bilaabaan wadashaqeyntoodii.

James Swan oo shalay booqasho ku tagay magaalada Garowe, ayaa sheegay in ay faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed haddii madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka gudbaan khilaaf kasta oo jira, isla markaana la helo qaab wada shaqeyn ah.

“Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo qaranka muhiim u ah oo ay ka mid yihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, hannaanka dib u habeynta dastuurka, iyo marxaladda doorashada soo socota. Iyadoo Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh sannadihii u dambeeyay, waxaan dhammaanteen ognahay in caqabado badan oo qoto dheer ay weli jiraan,” ayuu yiri Danjire James Swan.

Danjiraha UN-ka ayaa soo dhoweeyay u diyaar garowga ay wadaan guddiga doorashada Puntland iyo shacabka gobolka Nugaal oo ay ugu diyaar garoobayaan bilaabashada doorashada tooska ah ee golayaaasha deegaanka oo 23-ka bishan July ka dhici doonta saddexda degmo ee harsan oo ay Garoowe ku jirto.

“Waxaan rajaynaynaa in doorashooyinkan golayaasha deegaanka ay sii ambaqaadaan guulihii laga gaadhay doorashadii deegaanka ee qabsoontay May 2023, isla markaana ay sii xoojiyaan dimuqraadiyaynta iyo sidoo kale horumarka laga gaadhay ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada,” ayuu yiri Swan.

Swan ayaa sheegay, kulanka uu la qaatay Madaxweyne Deni, inay uga wada haddleen xaaladda amniga, wuxuuna ku ammaanay maamulka Puntland dadaalka ay ugu jiraan sidii ay kooxaha argagixisada ah uga hortagi lahaayeen gobolka Bari, iyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen daminta colaadaha beelaha ee gobolka Mudug, iyo Dhacdooyinka soo cusboonaaday ee budhcad-badeednimada.