Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo waresysi siinayay BBC-da Laanteedi Afka Soomaaliga ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Jubaland ay la wareegeen saldhigyadii Gobolka Jubadda Hoose ee ay baneeyeen ciidamada Midowga Africa ee ATMIS gaar ahaan kuwa ka socday dalka Kenya.
Wasiir Cabdifitaax ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay lacago ku bixineyso sidii ay u kala jabin lahayd ciidanka Jubaland, waxaana uu shaaca ka qaaday in lacagaasi looga baahan yahay inay kula dagaalanto Kooxda Al shabaab.
Isagoo hadalkiisi sii wata ayaa waxa uu Wasiirka warfaafinta Jubaland uu ka dhawaajiyay inaysan jirin wararka maalinlaha ee ay Dowladda sheegto kaa oo ku saabsan ciidamo tira badan oo Jubaland uga goostay dhanka Dowladda, Wasiirka waxa uu sidoo kale xusay in Ciidamo tira yar oo aan badneen uuna watay Taliye Fanax oo joogi jiray Raas-Kambooni iyo askartii uu hogaaminayay ay dhinaca Dowladda mareen oo aysan jirin Ciidamo joogey Kismaayo oo isku dhiibay Dowladda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Dowladda aysan Raas Kambooni u tagin Howlgal amaan balse ay wadaan dano siyaasadeed oo guracan sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka waxa uu xusay in wafdiga uu hogaaminayo ay Badhaadhe u joogaan sidii ay u dhiirigelin lahaayen Bulshada degaanka ku nool kuwaasi uu sheegay inay walaac xoogan ka muujiyeen Ciidamada Dowladda ee ku daabuleeyso degaanada Jubaland.
Ugu dambeyn waxa uu wasiirka cadeeyay in Jubaland ay joojisay diyaaradaha ka dega Raas Kambooni kuwa hadda tagayna ay ku tageen ka warqab la'aan balse ay ka digeen in degaankaasi ay ka taagan tahay saan saan colaadeed oo aan ku habooneeyn inay duulimaadyo rayid ah tagaan.