1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Maxaa looga hadlay kulankii Ra'iisul Wasaare Xamse iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka?
 

Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka.

Inta kulanka uu socday Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uuu warbixin ka dhageysatay Xubnaha Guddiga oo iyagu la shir tagay shaqooyinkii ugu dambeeyay iyo waxyaabihii u qabsoomay oo ay Ra'iisul wasaaraha ay la wadaageen.

Horey Dowladda federaalka waxa ay shaaca ka qaaday inay dalka guud ahaan ka hirgalinayso Doorasho Qof, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markale ugu celiyay guddiga sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay nidaamka doorasho ee qof iyo codka ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

Nidaamkaan waxa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay qaar kamid ah siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka.