3/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2023
Hay'adda sirdoonka Puntland PISA oo qaraxyo kusoo bandhigtay magaalada Bosaso

Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

Qoraal kasoo baxay hay’adda PISA, ayaa lagu sheegay in hay’addu ay qaraxyadan fashilisay daqiiqado ka hor inta aysan kooxda soo abaabushay fulinin qaraxyadan.

Sida ka muuqatay sawirro lagasoo qaaday, waa dhowr miino oo ah kuwa dhulka lagu qariyo. Hay'adda PISA ma aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ahaa qaraxyadan.

Waxay kusoo beegmeen qaraxyadan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la bartilmaameedsanayay xarumaha ganacsiga ee magaalada Bosaso, waxaana muddo sanad gudaheed ah la gubay dhowr shirkadood.

Maalmo hor, qarax ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee magaalada Bosaso. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay falalkan u dhacayaan si lacago baad ah looga qaado shirkadaha ganacsiga.













Click here
11/20/2023 9:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta degmada Dooloow ee gobolka Gedo u tagay u kuur galida xaaladaha Bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka roobabka ka da'ay degmadaas iyo nawaaxigeeda.

11/20/2023 4:01 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.

11/20/2023 3:55 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ku yaala dhinaca Galbeed ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab.

11/20/2023 3:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee Caasimadda dalka ingiriiska oo uu ka qeyb galayo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas.

11/20/2023 1:36 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garowe, xilli magaalada ay dad badani ka qaxeen xalay illaa iyo shalay.