3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax Maanta ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kaasoo ay ka hortageen ciidamada amaanka degmada Baledweyne.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala agagaarka Buundada Liqliqato, halkaas oo ay ku shirayeen xiliga uu qaraxa dhacayay odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka degmada Baledweyne oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay iney fashilyeen ciidanka qaraxa, kadib markii ay helen xogta qofka qaraxa waday oo ujeedkiisu ahaa inuu gudaha u galo maqaayada.

"Waxay ciidanku hayeen xogta qofka waday qaraxa oo doonayay inuu galo maqaayad shir ka socday ciidanka ayaa ninka qaraxa boorsada ku waday amray inuu istaago, kadib boorsadii qaraxa ku jiray ayuu turay sidaas ayuuna ku dhacay qaraxa oo ay fashliyeen ciidanka" ayuu yiri laba xididle Siraad Cumar Xiish oo ka mid ah Booliiska Baledweyne.

Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalkaan Booliiska ah in ninka uu cararay marka uu qaraxa dhacay, isagoona xusay in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah marka laga reeb burbur soo gaaray dhismayaal ka ag dhawaa goobta

Qaraxa kadib ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay agagaarka goobta uu ka dhacay qaraxa, hayeeshe majrto cid ay usoo qabteen weerarka qaraxa ee fashilmay.












Click here
5/24/2023 4:01 PM EST
Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Safiirka cusub ee Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka wada hadlay dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka.

5/24/2023 2:07 PM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe.

5/24/2023 1:58 PM EST
Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa ugu danbayn maanta xal buuxa laga gaadhay.

5/24/2023 8:26 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Doorashada golaha degaanka ee degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, ayaa lagu wadaa in dib loo dhigo, kaddib markii ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen.

5/24/2023 8:04 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

5/24/2023 5:14 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa wareysi uu siiyay BBC Soomaaliya uga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federalka iyo Puntland.

5/24/2023 2:56 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmadaas.

5/24/2023 2:21 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Iyadoo 24 saac wax ka yar ay ka harsan tahay doorashada golayaasha deegaanka Puntland, ayaa koox dabley ah waxay weerar ku qaadeen sanaadiiq doorashada oo loo waday degmada Burtinle iyo degaano hoos yimaada.

5/24/2023 2:00 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Horjoogayaasha kooxda Al-shabaab lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo degmada Jilib ay ka fuliyeen ciidanka dowladda Soomaalya iyo saaxiibada caalamiga ah.