4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Guddiga doorashada Puntland oo lagu wado inuu dib u dhigo doorashada Garowe iyo labo degmo oo kale

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Doorashada golaha degaanka ee degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, ayaa lagu wadaa in dib loo dhigo, kaddib markii ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen.

Guddiga doorashada Puntland (TPEC), ayaa la filayaa inuu go’aan kasoo saaro arrintan, xilli wax ka yar maalin ay ka harsan tahay waqtigii loo qorsheeyay qabsoomidda doorashada golayaasha degaanka Puntland.

TPEC ayaa lagu wadaa inay dib u dhigto doorashada saddexda degmo oo ay Garowe kamid tahay, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacaya degmooyinka kale ee Puntland.

Wasiirka qorshaynta maamulka Puntland, Maxamed Siciid Faroole ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray, war ku saabsan in la foodeeyay doorashooyinka golayaasha degaanka ee gobolka Nugaal, isagoo dadweynaha u sheegay inay samir yeeshaan.

Xalay ayay ahayd markii ciidamo isku sheegay militariga Danab ay gubeen qaar kamid ah sanaadiiqda doorashada golaha degaanka ee degmada Burtinle, taasoo muujisay in khilaafkii doorashada aan weli laga heshiinin.