4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2023
Dekedda Berbera oo ka hormartay dekedda Mombasa ee Kenya qiimayn uu Bangiga Adduunku sameeyay

Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hormartay dekedda wayn ee Mombasa ee dalka Kenya sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Bangiga Adduunka.

Qiimaynta Bangiga Adduunka oo lagu saleeyay xulashada dekeddaha ugu shaqada iyo habmaamulka fiican ee Afrika ayaa waxa guul kasoo hooyay dekeddaha  Jabuuti, Berbera iyo Dara Salam oo kaalmaha ugu horeeya galay, halka dekedda Mombasa tartanka lagaga guulaystay.

"Waxaanu ku muteysanay shaqada aanu u qabanay maraakiibta iyo adeega aanu u qabano, sida dejinta, rarista, shaqada aanu qabanay ayaan kaalintaa ku gaadhnay ," Maareeyaha Dekedda Berbera Saciid Xasan Cabdillaahi ayaa sida BBC Somali u sheegay.

Warbixin ay BBC qortay ayaa lagu sheegay in Dekedda Jabuuti uuni ay ka horayso Dekadda Berbera isla markaana Dekaddaha Port Elizabeth ee Durban iyo Cape Town ay ku sii xigaan, dakaddahan ayaa kusoo baxay qiimaynta lagu sameeyay dekeddaha dalalka saxaraha ka hooseeya.

"Hagaajinta howl hufnaanta dekeddu waxay lama huraan u tahay furitaanka korriinka iyo horumarka Afrika," Martin Humphreys, oo ah hoggaamiyaha dhaqaalaha gaadiidka ee Bangiga Adduunka, ayaa sida u sheegay jariirada The East Afrikan.

Dekedda magaalada Berbera ayaa lagu sameeyay horumarin balaadhan iyadoo shirkada dekeddaha ee DPworld ay malaayiin dollar ku kharashgaraysay horumarinta dekeddan ku taala goobta muhiim ka ah.