4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Dowladda Uganda oo tababar usoo xirtay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya
 

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa tababar usoo xirtay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, kuwaas oo uu tababar uga socday dalka Uganda.

Saraakiil ka socday wasaaradda difaaca Uganda ayaa u hambalyeeysay ciidamada tababarka loo soo xiray, iyagoo xusay in xirfadaha la baray ay muhiim u yihiin ka hortagga argagixisada iyo fulinta howlo gaar ah oo loogu talagalay nabadeynta Soomaaliya.

Waxay xuseen in tababarka wadajirka ah uu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

"Tababarka XDS wuxuu gacan ka geystaa horumarinta nabadda iyo amniga gobolka maadaama ay kor u qaadayso dhisidda awooddooda," ayay tiri Hon Huda oo ahayd wakiilka wasiirka difaaca dalka Uganda.

Huda ayaa sidoo kale ku ammaantay Madaxweyne Museveni iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud horumarinta Pan-Africanism-ka, nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay tababarka loosoo xiray ciidamadan, ayaa ku ammaanay Madaxweyne Museveni iyo dhammaan ciidamada UPDF gacanta ay ka geystaan la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

Wuxuu yiri: Nafhurnimadiina iyo taageeradiina Soomaaliya mar walba waa la qaddarin doonaa inta aan la dagaallamayno argagixisada si loo helo Soomaaliya ammaan ah. Mar walba waanu u ka mahadcelin doonnaa doorla Uganda."

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ku bogaadiyay kor u qaadista tayada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo yiri “XDS waxay qori doonaan taariikhda ciidanka difaaca Uganda ee ku sugan Soomaaliya”.