4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
Crisis Group: Waxa la gaadhay xiligii Somaliland iyo Dhulbahante wadahadli lahaayeen

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.

Hay'adda xasaradaha oo soo saartay warbixin ku saabsan dagaalka Laascaanood ayaa ku baaqday in xabada la joojiyo oo wadahadal layskugu yimaado.

"Ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaadka Dhulbahante ayaa ku dagaalamaya xukumida Laascaanood, Dhulbahantuhu waxay rabaan in ay ku biiraan Soomaaliya halkii ay qayb ka mid noqon lahaayeen qaran dhiska Somaliland, dhinacyadu waa in ay joojiyaan xabada oo ay u diyaar garoobaan wadahadal" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxa warbixinta lagu sheegay in dhinacyadu ay libin laabeen dhaqdhaqaaqyada dagaal, isla markaana uu mid kasta qoranayo dagaalyahano cusub, taasi oo dagaalka ku fidin karta qaybaha kale ee gobolka Sool, dhaawicina kartana nabadgalyada dhibka loosoo maray ee Somaliland.

Waxa lagu xusay in si loo wadahadlo oo dhinacyadu ay matalayaal lagu kalsoonaan karo miiska ukeenaan in Dhulbahante magacaabo guddi dheelitiran, isla markaana dhinaca Somaliland ay qabato doorashooyin si loo helo xukuumad sharci ah.

Warbixinta ayaa xustay in dhowr jeer Somliland ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, lakiin aanu dhinacna ixtiraamin xabad joojinta. Warbixintan ayaa imanaysa xili xiisada dagaal ee Laascaanood ay kasii darayso.