3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyay qorshe lagu shaqaaleysiin doono 10,000 oo macalimiin ah
 

Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha qaran ee Waxbarashada dalka ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka Waxbarashada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa 250 qof oo isugu jiray mas’uuliyiin heer sare ah oo ka tirsan hay'addaha kala duwan ee dowladda, aqoonyahanno, xirfadleyaal Waxbarasho, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha Caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran, islamarkaana wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiin doono Toban kun oo Macalimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho oo ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa inaan kordhinno tirada ardayda xaadirta Iskuulada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa inaan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo inaan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macalimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iney aad u hooseyso fursadaha Waxbarasho oo ay heli karaan dhalinyarada Soomaaliyeed, taasina ay caqabad ku tahay dhisida Mustaqbalka wanaagaan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa ka dalbaday aqoonyahanada, qurbejoogta iyo kaadiriinta Waxbarashada dalka iney gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo deganaasho siyaasadeed, horumar, dhaqan dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaada dalka.












Click here
3/13/2023 4:54 PM EST
Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa amray in masaajidda kuyaalla magaalada Gaalkacyo lagu xiro kaamirooyinka qarsoon ee ka qeyb qaata sugida amniga .

3/13/2023 11:35 AM EST
Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahin ayaa Maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka dalka.

3/13/2023 7:43 AM EST
Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Goob uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uga qeyb galayay shirweynaha waxbarashada Soomaaliya, ayaa si kedis ah waxaa halmar uga kacay dab ka dhashay fiilooyinka korontada.

3/13/2023 3:28 AM EST
Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada ka dib wada hadal dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao.

3/13/2023 3:13 AM EST
Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysaysan ka sameeyay deegaanka Miido oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

3/13/2023 1:37 AM EST
Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya, ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda.