3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Jenaraal Biixi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay duqeyn iyo dagaal toos ah oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jenaraal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid cir dhul ah oo ay ciidamada xoogga ka sameyeen deegaano ku yaala Galbeedka degmada Xarardheere lagu baacsaday xubno ka tirsan Shabaab oo is aruursanaayay, isagoo sidoo kale xusay in howlgalka oo ay qeyb ka ahayeen diyaaradaha dagaalka lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Shabaab, islamarkaana uu isaga dul istaagay meydadka 47 ka mid ah Shabaab.

“Laba maalin gudahood Shabaab badan ayaan leynay, 47 meydad ah ayaan dul istaagnay, bulshada deegaanadaan ku nool waxay si joogto ah noo siiyaan xogta Khawaarijta Shabaab, waa dad raba in deg deg looga xoreeyo cadowga” ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-shabaab ay ku gubeen deegaanka Caad gaadiid ay lahayeen dad shacab ah iyo kuwa kale oo iyaga lahayeen oo ka halaabay, hayeshee ciidanka haatan ay ku dhaw yihiin deegaankaasi.

“Dadkii dhulkaan ku noolaa waa caroodeen, hubkooda ayey la soo baxeen, meel kasta oo Shabaab uu ka joogo Mudug iyo Galgaduud waxaa nooga imaanaya wicitaano oo dadku waxay codsanayaan in aan kasoo gaarno, war naga kiciya hal mar, anagaa dhameystiri doonee ayey na leeyihiin dadka shacabka ah” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Hadalka Jenaraalka ayaa imaanaya, iyadoo ay kordheen mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay deegaanada maamulka Galmudug ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka.












Click here
1/24/2023 8:17 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

1/24/2023 8:01 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

1/24/2023 5:51 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.

1/24/2023 2:45 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.

1/24/2023 1:50 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

1/24/2023 1:41 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

1/24/2023 1:14 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.