4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 30 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab
 

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay duuleedka deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Duqeyntaan diyaaradeed ayaa la sheegay iney ka dhacday deegaan qiyaas ahaan magaalada Muqdisho uga beegan dhinaca Waqooyi Bari ilaa 260 KM, iyadoo Taliska Africom uu sheegay in ugu yaraan 30 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab lagu dilay duqeynta, islaarkaana lagu burburiyay ilaa sadax baabuur.

Qoraalka Taliska Africom kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay aheyd mid lagu caawinaayay dowladda Soomaaliya, kadib weerarkii Al-shabaab Shalay ku qaadeen fariisinkii ciidanka ku lahayeen deegaanka Galcad oo lagu dilay Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo askar kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Taliska Africom ayaa kusoo beegmaya, iyadoo warsaxafadeed kasoo baxay dowlada Fedaraalka Soomaaliya lagu xusay in ciidanka xoogga dalka ay iska caabiyeen weerarkii Shalay ka dhacay Galcad oo ay ku dhinteen 7 ka mid ah askarta dowladda, islamarkaana Shabaab halkaasi looga dilay in ka badan 100 xubnood.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha sida tooska ah dowladda Soomaaliya kaga caawiya dhanka duqeymaha diyaaradaha howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolka dalka.