4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2023
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Galcad oo Shabaab ay weerar ku qaadeeen
 

Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Sid ay sheegayso warbaahinta dowladda Soomaaliya, kooxda Alshabaab lagu jebiyay weerar ay ku soo qaaddeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Waxay warbaahintu sheegaysaa in xaaladda degmada Galcad ay hadda deggan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

Waxaa lasoo sheegayaa khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda Alshabaab ee weerarka soo qaadday. Sidoo kale dhinaca ciidamada khasaare ayaa jira.

Lama sheegin macluumaad intaas ka badan. Mana jirto masuul dowladdeed oo ka hadlay dagaalka Galcad ka dhacay.

Alshabaab ayaa dhankooda waxay sheegeen inay la wareegeen Galcad oo ay dileen dhammaan ciidamadii ku sugnaa halkaas, sidoo kalena ay qaateen hubkii iyo saanadii ay ciidanku lahaayeen.

Weli si dhab ah looma xaqiijin geerida taliye ku xigeenka ciidanka Danab oo wararku ay sheegayaan inuu ku geeriyooday weerarka Galcad.

Wasaaradda warfaaafinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay goor dhow soo saarto warsaxaadeed ku saabsan xaaladda magaalada Galcad.