4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo awaamir culus kasoo saaray la dagaallanka Musuq maasuqa

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo maanta furay Shir qiimeyn ahaa oo loo qabtay masuuliyiinta gobollada uu degaanku kakooban yahay ayaa si adag uga hadlay Musuq maasuqa iyo ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in masuulka wax musuqaya uu xeelado badan adeegsan karo, " qofka wax musuqaya ama isdaba marinaya awaamirtii la faray ayuu ka leexanayaa, Qandaraas masoo dhajinayo oo wuxuu rabaa inuu si hoos ahaaneed u siiyo mid uu rabo inuu la cuno, markaa awaamirtii la is faray oo uu ka leexdaa waa musuq waana in lala xisaabtamaa" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wakhtigii hore masuulka Musuq lagu helo xilka un laga qaadi jiray, balse hadda waxa uu amar ku bixiyay in xilka qaadista loogu daro xarig, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Arrimaha Musuq maasuqa ayaa qorshe guud loo qaatay guud ahaan dalka Itoobiya, iyadoo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo dhammaan Madaxda dowlad degaannada dalka Itoobiya faray in si adag ula dagaallamaan Musuq maasuqa oo uu sheegay inuu wax u dhimayo horumarka Itoobiya.