3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay halka uu ka bilaabanayo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab

Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay furintaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab iuu ka bilaabanayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu gabagaba yahay wajigii koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socday deegaanada dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, islamarkaana dowladda ay diyaarisay ciidamo farabadan oo awood u leh iney Shabaab ka xureeyaan meelaha ay kaga sugan yihiin gudaha dalka.

“Markii aan galnay dagaalka ka socda maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, Maanta waa ka khibrad badanahay, waxaan baranay xeeladaha Al-Shabaab, ciidan badan ayaan heynsanaa maanta, niyadeenu waxay noo sheegee oo aan xaqiijinay in Shabaab aan ka adag nahay, waqti badan nooga bixi maayo dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay uga hareen labadaas dowlad goboleed, Siyaasadda dwoladda Maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka baxa uu si nadiif ah Xamar u tago, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaan doono tuug isbaaro sii taagan" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dhalinyarada u dagaalameysa kooxda Shabaab ay wali haystaan fursado ay isku soo dhiibi karaan oo ay dowladda ku cafineyso

“Duruuf kasta ku raac Al-shabaab waxaan Maanta idiin cadeynayaa ninkii kasoo baxa Al-shabaab cafis waaye, cafis kaliya maahane waxay dowladdu diyaar u tahay in nolol fiican ay helaan dadka ka soo baxa Al-Shabaab" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay waalidiinta caruurtooda ay ku jiraan Ururka Al-shabaab iney wacdaan oo ay kala soo baxaan kooxda ka hor inta aanan  lagu laaynin howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.












Click here
1/18/2023 9:38 PM EST
Waayahaan dambe, ma adka inaad dhasho ilmo adiga oo ay da’daadu ka weyntahay 40 sano. Waxaana sahlay aqoonta laga gaaray dhalmada oo waddo cusub u furidoonta dhibaatada dhalmo la’aanta.

1/18/2023 9:16 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamiga ah.

1/18/2023 7:02 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda uu hiigsanayo in lasoo saaro lacagta cusub ee shilinka Soomaaliga, si wax looga qabto lacagaha qalaad ee xad-dhaafka ah ee suuqyada ku jirta iyo sicir-bararka.

1/18/2023 2:56 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee Al-shabaab looga saaray degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

1/18/2023 1:13 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed.