Arbaco, September, 6, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa maanta Ururka Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
newsinsideDeegaanada ay Maanta la wareegeen ciidanka huwanta ah waxaa ka mid ah Ceel la helay, Laba dulle, Dhaban dhul ku hays iyo deegaano kale oo ku yaala dhulka howdka ah.
Qoraal kooban oo warbaahinta dowladda lagu baahiyay oo ku aadan howlgaladaan Maanta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka kula wareegeen deegaanadaan, laguma shaacin wax kahsaare ah oo ka dhashay howlgaladaas.
Howlgalada ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyay markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu Dhuusamareeb u tagay dardar galinta dagaalka dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.